Boostada dijitaalka ah ee Region Sörmland

Hadda waxaad Region Sörmland waraaqaha uga heli kartaa sanduuq boosto oo dijitaal ah. Waxay, tusaale ahaan, waraaquhu noqon karaan faatuurooyin iyo ballamaha hey’adaha caafimaadka.

Waxaa jira saddex sanduuq oo dijitaal ah oo kala duduwan: Kivra, Min myndighetspost iyo Billo.

Haddii aadan lahayn sanduuq boosto oo dhijitaal ah, waxay waraaqaha aan guriga kuugu soo dirno kuugu sii imaan doonaan sanduuqaaga boostada ee caadiga ah.

Halkan ayaad ka akhriyi kartaa wax dheeri ah oo ku saabsan sanduuqyada boostada ee dhijitaalka ah:
Hey'adda maamulka dijitaalka, DIGG (macluumaad ku qoran af-Iswiidhish).

Halkan ayaad ka akhriyi kartaa wax dheeri ah oo ku saabsan boostada dijitaalka ah ee ka socota Region Sörmland (macluumaad ku qoran af-Iswedish).

Uppdaterat: 14 november 2023
PQPS